WAJAALE NEWS

Badhasaabka Gobolka Awdal oo Kulan La Qaatay Isu-duwayaasha Laamaha Dowlada, Baaqna Ka Soo Saaray Duufaanada Soo Socda

Borama (WJN)- Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa waxa uu maanta kulan balaadhan la qaatay isu-duwayaasha laamaha dowlada ee gobolka.

Kulankan ayaa waxaa lagaga hadlayay sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha shaqo ee wasaaradaha kala duwan ee gobolka Awdal.

Dhinaca kale Badhasaabka gobolka Awdal ayaa waxa uu baaq u diray dadweynaha kala duwan ee ku nool gobolada xeebaha ee Awdal iyo Salal, Isagoo ugu baaqay inay ka foojig naadaan duufaano la sheegay inay kusoo fool leeyihiin goboladaasi.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version