WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabtay Qoraa Cali Dool Axmed “Cali Qoryoolay” Iyo Sobobta Xadhigiisa!

HARGAYSA(W,N)-Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa Maalintii ciidul adxa xabsiga utaxaabay qoraa/Siyaasi Cali Dool Axmed oo kamid ah dadka dhaliila xukuumada madaxwayne Biixi.

Sida Ay shabakada Wararka Ee Wajaalenews Uxaqiijiyeen Ehelada Qoraa Cali Qoryoolay Ayaa sheegay  In Maalintii shalay oo Ahayd Maalin Ciida Ay ciidamo Dharcad Ahi xabsiga utaxaabeen qoraa iyaga oo ka qabtay xaafada jig Jiga Yar Gaar Ahaan agagaarka Kaalinta Indha Birta kuwaasi oo xabsiga utaxaabay isagoo hada ku Xidhan Saldhiga Dhexe Ee Magaalada  Hargaysa.

Ciidamada xidhay qoraa Cali Qoryoolay ayaa sidan Wax waaran qabasho ah oo sharci Ah  islamarkaana Aan Xadhigiisa Umarin Sifo sharci ah. Xili maalinta ay xidheen fasax ay ahaayeen haayadaha dawladu islamarkaana Shacabku ku jireen dabaal dega munaasibada ciida.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay Xadhiga Cali Qoryoolay Oo Ah Siyaasi Badi ka hadla Xaalada Dalka iyo cida ka danbaysa xadhigiisa Toona.

Qoraa Cali Qoryoolay ayaa sedex cisho ka hor ka hadlay waraabinta dalka hadalkaasi oo uu ku dhaliilay xukuumada Madaxwayne biixi iyo sida ay marin habaabinayso qabsoomida doorashada madaxtooyada ee umudaysay 13noveber Balse ay doonayso in kazoo horaysiiso furista ururada siyaasada taasi oo loo aanayno in ay keentay xadhigiisa Islamarkaana xukuumadu qoonsatay.

Wixii War Ee Kasoo kordha Xadhiga Qoraa Cali dool “Cali Qoryoolay” kala soco Wararkeena Danbe.

WAJAALENEWS DESK/

HARGEISA OFFICE.

Exit mobile version