WAJAALE NEWS

Maxkamada Dalka Jabuuti Oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday Taliyihii Hore Ee Ciidanka Booliska, Wasiirkii Miisaaniyada Iyo Xubno Kale.

JABUUTI(W,N)-Maxkamada  Dalka Jabuti ayaa min saddex sano oo xadhig ah ku ridday, Wasiirkii hore ee Miisaaniyadda Jabuti Bodeh Axmed Rooble iyo Taliyihii hore ee Ciidanka booliska Jabuti, Corneel Cabdullahi Cabdi Farax, kaddib markii sida ay maxkamaddu sheegtay lagu helay danbi ah in ay si sharci darro ah u Iibsadeen cod sir ah oo la duubay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in wasiir Boode iyo Taliye Cabdullahi Cabdi ay saddexda sano ee xadhiga ah ku qaada doonaan xabsiga dhexe ee Gabood.

Waxaa iyaguna mid shan sano oo xarig ah lagu xakumay Yabeh Said Geldon iyo Ibrahim Abdi Geelle oo ay maxkamaddu sheegtay in ay codka sirta ahaa ay dad kale lasii wadaageen.

Qoraalka laguma faah-faahin codkaasi sirta ah cidda laga duubay, balse VOA-da ayaa ogaatay, in dadka codka laga duubay uu ku jiro madaxweynaha Jabuuti, Ismaciil Cumar Geelle.

Dhanka kale Qareennada saraakiisha xukunka lagu ridday oo aan la xidhiidhnay ayaaney wali suura-gelin inaan helno. Balse wali VOA-da waxay ku dadaaleysaa sidi ay heli laheyd falcelinta qareennada eedeysanayaasha ee ku aaddan go’aanka maxkamadda.

XIGASHO; VOA

 

Exit mobile version