|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamada Dalka Jabuuti Oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday Taliyihii Hore Ee Ciidanka Booliska, Wasiirkii Miisaaniyada Iyo Xubno Kale.
May 27, 2022 - Written by Editor:JABUUTI(W,N)-Maxkamada Dalka Jabuti ayaa min saddex sano oo xadhig ah ku ridday, Wasiirkii hore ee Miisaaniyadda Jabuti Bodeh Axmed Rooble iyo Taliyihii hore ee Ciidanka booliska Jabuti, Corneel Cabdullahi Cabdi Farax, kaddib markii sida ay maxkamaddu sheegtay lagu helay danbi ah in ay si sharci darro ah u Iibsadeen cod sir ah oo la duubay. War-saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in wasiir Boode iyo Taliye Cabdullahi Cabdi ay saddexda sano ee xadhiga ah ku qaada doonaan xabsiga dhexe ee Gabood. Waxaa iyaguna mid shan sano oo xarig ah lagu xakumay Yabeh Said Geldon iyo Ibrahim Abdi Geelle oo ay maxkamaddu sheegtay in ay codka sirta ahaa ay dad kale lasii wadaageen. Qoraalka laguma faah-faahin codkaasi sirta ah cidda laga duubay, balse VOA-da ayaa ogaatay, in dadka codka laga duubay uu ku jiro madaxweynaha Jabuuti, Ismaciil Cumar Geelle. Dhanka kale Qareennada saraakiisha xukunka lagu ridday oo aan la xidhiidhnay ayaaney wali suura-gelin inaan helno. Balse wali VOA-da waxay ku dadaaleysaa sidi ay heli laheyd falcelinta qareennada eedeysanayaasha ee ku aaddan go’aanka maxkamadda. XIGASHO; VOA
Related posts:Madaxweynaha Jsl oo Maanta ka qaybgalay Furitaanka Guriyo cusub oo loo dhisay Dadka barakacayaasha ... DAAWO;Xukuumadda Iyo Xisbigeeda Kulmiye Oo wadajir Ugu Jawaabay Mucaaradka,Kana horyimid Baaqii Isb... Musharax Maxamed C.laahi Bookh Oo Maanta Shaaciyey Musharaxnimdiisa Golaha Wakiilada Kana Sharaxan ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|