Hargeysa, May 23, 2024 (W,N) – Ciidan ka socda Xarunta CID-da Hargeysa ayaa Abaaro 5:20pm galabnimò ee maan waxa ay xaafada sheekh Nuur ka kaxaysteen Wariye Cabdicasiis Bashiir oo ah tifaftiraha shabakada Wararka ee Xogreeb News.
Ciidanka booliska ah ee xidhay wariyaha ayaan sidan wax waaran ah oo ay tuseen markii ay qabanayeen.
Hase yeeshee markii ay la tageen xaruntooda CID-da waxa ay u sheegeen inay soo dacwaysay Shirkada TELESOM. Wallow aanu jirin ilaa hada majiro war rasmi ah oo laamaha amaanku kazoo saareen xadhiga wariye cabdicasiis Nuur la xidhiidha
XIGASHO XOGREEBNEWS