MUQDISHO(W,N)-Xillibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh, Aadan Madoobe) ayaa ku guuleystay kursiga Guddoomiyaha golaha shacabka dawlada fadaraalka ah ee somaliya.
Doorashada golaha oo caawa ka dhacday Xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa wareegga ugu dambeeyay ku tartamay Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Xasan Cabdi Nuur.
Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada oo loo kala helay sidaan.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe 163.
Xasan Cabdinuur oo helay 89