WAJAALE NEWS

Madaxweyne Silaanyo Oo tobabar U xidhay Cutubyo Ka Tirsan Ciidammada Xeebaha Somaliland, kormeerna Ku Sammeeyay Waxyeellada Roobabkii Berbera . Daawo

madaxwaynaha oo karmeer kuBerbera-(Wajaale News):-)-Madaxweynaha Somalilad Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta tobabar u soo xidhay cutubyo ka tirsan ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland ee saldhigoodu yahay magaalada Berbera.

Madaxweyne, Silaanyo oo ay weheliyaan Qaar ka mid ah Golaha Wasiirradda oo ay kamid yihiin Cali Maxamed Warancadde iyo Wasiirka Arrimaha Debedda Dr Maxamed Biixi Yoonis, ayaa diyaarad khaasa oo ay leedahay Britain ka raacay magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha oo Madaarka Berbera ku soo dhaweeyeen masuulliyiinta Heer Gobol iyo Degmo, ayaa ugu horayn wuxuu booqday qaar ka mid ah goobaha ay waxyeelladu kazoo gaadhay roobabkii dhawaan ka da’ay dalka, gaar ahaan wuxuu tegay Dugsiga Sare ee Bursade oo ay ku suagnyihiin 500 00 qoys oo guryahoodii roobku waxyeeleeyay iyo sidoo kale Xaafadda Barqo-san ee Waqooyiga Berbera, halkaasoo ay warbixinno kasiiyeen Badhasaabka Gobolka Cali Maxamed Cilmi iyo Maayarka BerberaCabdishakuur Maxamuud Xasan.

Madaxweynaha oo dadka Barakacaayasha ah la hadlay, ayaa Ilaahay u baryayay inuu dhibaatada ka dulqaado, islamarkaana ballanqaaday inaanay xukuummad ahaan waxba kalahadhi doonin sidii loo caawin lahaa dadkaas, “Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu idiin fududeeyo, waxaan idiin sheegaya inaanan dedaal la hadhayn.”


Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu tegay Xarunta Ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland oo uu tobabar ugu soo xidhay cutubyo ka tirsan ciidammada oo ay tobabar laba todobaad ah siiyeen Saraakiil ka socda Britain oo saldhiggoodu yahay markab kuwa la dagaallanka budhcad-badeedka ee ku sugan biyaha Xeebaha Badda cas.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version