HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo Kamid ah Siyaasiyiinta Somaliland kana mid ahaa mujaahidiintii Dib Uxoraynta Somaliland ee Snm ayaa sheegay in aan taariikh Ahaan iyo aqoon aan lasimi Karin madaxwayne biixi iyo Marxuum gen jaamac maxamed qaalib (Jaamac Yare) oo Maalintii shalay kagu aasay xabaalaha toon islamarkaana aanu Aaskiisa ka qaybgali madaxwayne biixi.
Siyaasi Cali Guray ayaa Qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo Ku Baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;
“Ilaahay Hortii Taariikhdu Ma Simayso Marxuum Jaamac Yare Iyo Muuse Biixi. Ama Ha Aqbalo ama ha Diido Eh Muuse laguma Dhererin karo jaamac cigaal iyo carte Midna ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo sadexdoodaba eh.
Jaamac wuxu ahaa mujaahidkii golaha wasiirada u fadhiyi jiray SNM xiligii siyaad barre ee uu socday halgankii hubaysnaa ee lagu riday taliskii siyaad barre. Sida uu qiray gudoomiyihii ugu Muddada dheeraa Snm, Axmed Silaanyo oo aan afkiisa ka Qaaday tiraba laba ilaa sadex jeer. Markaa yaa ka mujaahidsanaa ee ka geesisanaa jaamac Yare? Ma muuse biixi? Xaasha anigu odhan maayo ee ninka odhanayaa ha Yidhaahdo.