WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Siyaasi Gen. Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac yare) Oo Caawa Ku Geeriyooday Dalka Jabuuti.

TACSI MADAXWEYNE: 26/04/2022

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum General Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 26/04/2022, Dalka Jabuuti.

Marxuumka oo ka mid ahaa dadkii lagu aas-aasay ciidanka booliska Somaliland April 1955-tii, wakhtigii maxmiyadii Ingiriisku ay Somaliland ka talinaysay, sidoo kalena xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii la isku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya, wakhtiyadii danbena ahaa bare jaamacadeed oo ka baxay ummadda afka Soomaaliga ku hadasha.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Exit mobile version