CEERIGAABO(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo ergeda Beelaha warsangali hadal u jeediyey, ayaa si qoto dheer oo xog-ogaalnimo leh u sharraxay kaalinta ay beesha Warsangeli ku lahayd dhismaha Somalilanad, gumaysi la dirirkii iyo helidda xorriyaddii ay Jamhuuriyadda Somaliland ka qaadatay dawladdii Ingiriiska.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in beeshani weligeedba hormuud u ahayd helitaanka iyo xorriyadda iyo dhiskii qaranka Somaliland, isaga oo sharraxay qaar kamid ah kaalmihii beesha ee dhismaha qaranka,“Beeshan waxyaabaha shirkeeda looga soo qaybgalay waxa kamid ah waa beeshii dawladdii Ingiriisku isaga oo halgan ugu jira xorriyadda ay sagaal sanno oo xabsi mustaafuris ah la geliyey. Marka labaad markii gobonnimada la doonayey ee isticmaarku inuu tago la doonayey ciddii loo diray weftigii cadan lagula kulmay salaadiintii iyo waxgaradkii la socday hadalkii Somaliland xorriyaddeeda ku saabsanaa ciddii loo dhiibayna Warsangeli bay ahayd,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;