WAJAALE NEWS

Muuse Biixi Kala Maan Shalay Iyo Maanta+ Maroora Dilaaca Taageerayaashiisa Iyo Aqoon La,Aanta Siyaasada +Tuhunada ku xeeran in Uu Qaatay Lacag Malaayiin Doolar Ah,

Hargeisa(Wajaalenews)Guddoomiyaha Xisbiga Taladda Haya Ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Ayaa Dadhtamihii Bishii April Ee Sanadkan Waxa Uu Shaaciyay Inuu U Taagan-Yahay Musharaxnimadda Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye, Waxaanay Arrintaasi Ka Dhashay Khilaafkii Labadda Garab U Kala Qaybiyay Xisbiga Kulmiye Ee Uu Garab Hogaaminayay, Halka Garab Ka Kale-Na Uu Madaxweyne Siilaanyo Hogaaminayay

Labaddii Garab Ee Xiligii La Soo Dhaafay Uu Xisbiga Kulmiye U Kala Qaybsamay Ayaa Waxay Warbaahinta Isku-Mariyeen Weedho Ay Ku Kala Sheeganayaan Inay Ku Taagan-Yihiin Sharciyadda Xisbiga, Waxaana Markii Uu Khilaafkaasi Uu Sii Xoogaystay Ergo Ka Gashay Golaha Guurtidda Oo Ka Soo Saaray Qodobo Ay Sheegeen Inay Xal U Noqdeen Khilaafkaasi.

Muuse Biixi Oo 2-Dii June 2014 Garabkii Uu Markaasi Uu Hogaaminayay Kulan Ay La Yeesheen Ergaddii Golaha Guurtidda Oo Warbaahinta Uu La Hadlay Waxa Eedo U Soo Jeediyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, Isaga Oo Ku Eedeeyay In Madaxweynuhu Awoodd Dawladdeed U Adeegsadday Cabdhinta Xubno Taageerayay Iyo Kuwo Sitay Boodhadh Ay Ku Xaridhan-Yihiin.

Tanaasulkii Shalay Ee Guddoomiye Muuse Biixi Waxa Aan Soo Dhaweyn Siyaasiyiintii Iyo Taageerayaashii Uu Hantiyay Xiligii Uu Shaaciyay Hankiisa Siyaasadeed.

Iyada Oo Tanaasulkan Uu Sheegay Muuse In Uu Ka Tanaasulay Musharaxnimadii Ay Ka Danbaysay Ka Dib Markii Uu La Kulmay Ganasatada Kala Duwan Ee Kazoo Jeeda Beeshiisa Taasoo Keenatay In Uu Ugu Danbayn Ku Dhawaaqo In Uu Iska Tanaasulay Musharxnimadaasi Taasi Oo Neefwayn Kazoo Saartay Axmed Siilanyo Iyo Kooxda Uu Hogamiyo,

Waxaana Warar Hoose Oo Soo Baxay Isla Habeenkiiba Ay Sheegeen In Uu Musse Biixi Jeebka Loo Galiyey Lagac Malaayiin Ah Taasi Oo Uu Ku Qancay Isla Markaana Ka Cahdysiisy Taageerayaashisii Oo U Qaadan Waayey In Uu Ku Dhawaaqo In Uu Tanaasulay Madaxwayne Axmed Siilanyo ,

Isaga Oo Tusaale Usoo Qaatay Koobka Aduunka Isla Markaana Iskala Mid Dhigay Wadanka Spain Oo Isaga Loogu Heeshay Galin Horeba Isreebreebka Guruubyada Koobka Aduunka,

Bal Hadaba Aan Dheehano Hadaladii Is Khilaafsanaa Ee Kazoo Yeedhay Muuse Biixi

Halkan Ka Daawo Eedihii Uu Muuse Biixi Madaxweynaha U Jeediyay Iyo Weedhihii Uu Ku Tiiraabayay Maalmahaasi.

bal aan eegno marka hore muuse iyo shalay

maanta iyo muusena aan geeno markale

wajaalenews.net

hargeisa/office

c/raxmaan carab

Exit mobile version