WAJAALE NEWS

Ciidanka Dab Damiska Oo Damiyay Dab Ka Kacay Kaalinta Ilma Xiirayste Ee Magaalada Gabiley.

GABILEY(W,N)-Ciidanka Dab-demiska Gabiley ayaa maanta u gurmaday dab ka kacay kaalin shidaal lagu magacaabo Ilma Xiireyste oo ku taala agagaarka Cali Xawaash ee degmada 18 May.

Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas, iyadoo ciidanku dabkaa ku hakiyeen halkii uu ka bilaabmay.

Hantida ciidamadu badbaadiyeen ayaa kala ahayd Haamaha Shidaalka, qaybta iibka qalabka gaadiidka, lacago Somaliland Shillin ah iyo saddex Qori.

Ma jirin dhimasho iyo dhaawac uu sababay dabkan.Ciidanka Booliska ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa goobjoog ahaa.

Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada in dabka la soo sheego wakhti hore, si markaba ciidamada Dab-demisku ugu soo gurmadaan.

 

Exit mobile version