HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo kamid ah mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa ka hadlay dhibaatooyinka haysta wax soo saarta beeralayda Somaliland isagoo xusay in ay dhibaatada haysata beeralayda dalka kamid yihiin biyo yaraan tamar dhaqaale.
Sidoo kale Xildhibaan Suldaan Ismaaciil ayaa haayada qaramada midoobay Ee WFP Ku eedeeyay in ay qayb ka tahay caqabadaha hortaagan wax soo saarta beeralayda Somaliland oo uu sheegay marka ay soo go,aan dalagu in ay dalka keento raashin mucaawimo ah kaasi oo suuq la,aan iyo niyad jab ku rida beeralayda iyadoo la dagalaamaysa wax soo saarka dalkana ay sanad walba kusoo beegto xiligaasi
Dhanka kale Xildhibaan Suldaan Ismaaciil ayaa golaha guurtida ugu baaqay in ay darsaan xaalada wax soo saar iyo caqabadaha haysta beeralayda.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;