WAJAALE NEWS

Wefti Ka Socda Dawlada Emaraadka Carabta Oo Lafilayo In Ay Safar Ku Yimaadaan Somaliland!

Abu Dhabi-(W,N)- Wefti sare oo ka socda dawladda Emaaraadka Carabta, ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda Safar Ku yimaaddaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Mas’uuliyiin ka socda dawladda Imaaraadka ( UAE ), ayaa Sheegay in safar ay ku tagayaan Somaliland, si ay uga Qaybgalaan dhagax-dhigga biriij cusub oo laga dhisayo jidka xidhiidhiya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa kor u qaaday xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Abu Dhabi iyo Hargeysa, kadib markii ay sheegtay toddobaadkan in baasaboorka Somaliland si sharci ah loogu soo geli karo waddankooda.

Xigasho; Ahmed Adam

Exit mobile version