WAJAALE NEWS

Midowga Afrika Oo Cambaareeyay Colaadaha Iyo Dilalka Isirka Ku Saleysan Ee Ka Socda Dalka Itoobiya,

HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa cambaareeyay dilalkii dhowaan ka dhacay Itoobiya ee u dhaxeeyay qowmiyado.

Rabshadaha isirka ku saleysan ayaa beryihii dambe ku soo badanayay dalkaas, iyadoo weerar Axaddii ka dhacay gobolka Oromia ay ku dhinteen 32 qof.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya (EHRC) ayaa sheegay in dad ka soo jeeda qomwiyadda labaad ee ugu weyn Itoobiya ee Amxaarada lagu beegsaday weerarkaas.

Mr Faki Mahamat, ayaa qoraal uu soo saaray ku baaqay in la joojiyo rabshadaha isla markaana laga xaajoodo arrimaha ugu muhiimsan.

Wuxuu sidoo kale ku boorriyay in laga shaqeeyo wax ka qabashada xiisadaha ka sii daraya ee dalkaas ka jira.

 

 

Exit mobile version