WAJAALE NEWS

Madaxweyne-ku-xigeenka Jsl Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Kormeer UKuurgalida Xaalada Abaaraha ku Tegay Deegaano katirsan Gobolka Togdheer.

Burco-(W,N)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga gobolka Togdheer, ayaa maanta socdaal indho indhayn ah ku gaadhay deegaanno gobolka katirsan oo ay kamid yihiin Durruqsi, harada Gubataxil, Waraabeeye iyo deegaammo kale.

Madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, oo galabta gaadhay deegaannadan, ayaa u kuurgalay xaaladda abaareed ee deegaannadaas ka taagan, waxana ay shacabka halkaas ku dhaqan u sheegeen in xukuumaddu garab taagan tahay, islamarkaana ay qorshaha loogu gurmanayo dadka abaartu saamaysay meel sare kaga jiraa.

Exit mobile version