WAJAALE NEWS

Hargeisa Muqaalka Shil Aad U Argagax Galiyey Bulshada iyo Sida Aaney Waxba ugu Noqon Hooyo ilmaheedii oo Saarnaa.

Hargeisa(W.N):-Waxa goor dhawayd ka dhacay gudaha magaalada Hargeysa shil baabuur oo sababay khasaare hantiyeed.

Gaadhigan dhacay ayaa waxa uu ahaa gawaadhida Raaxada ee loo yaqaan Marki Wan Tan,waxaana gaadhigan dhacay watay sida ay Ramaasnews u xaqiijiyeen goob joogayaal goobta gaadhay gabadh iyo ilmo yar oo ay dhashay,waxaana ay gabadhani ku dagdagaysay madaarka magaalada Hargeysa.Shilkan baabuur Ayaan sababin wax khasaare nafeed ah marka laga reebo jugo yar oo soo gaadhay gabadha iyo burburka gaadhiga.Gabagabadiina maalmihii u danbeeyey waxa soo badanayay shilalka baabuur,kuwaas oo sababaya khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba.

  

Exit mobile version