TOG WAJAALE(W,N)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethopia ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalo xuduudeeda Wajaale.
Kulankan labada Taliye Wada Yeesheen ayaa ka qabsoomay dhinaca Somaliland ee magaalada wajaale.
Geesta kale waxa kulankan Taliyaasha ku wehelinaayey Safiirka Dawlada Ethopia u fadhiya Somaliland.
Labada Taliye ayaa ka wada hadley sidii loo xoojin lahaa ka wada shaqaynta Nabadgalyada iyo iskaashiga labada Dawladood ee Dhinaca Amaanka.
Dhanka kale waxaa Kulankan goob joog ka ahaa gudoomiyaha Degmada Wajaale ee dhinaca somaliland oo xafiiskiisa uu ka qabsoomay kulanku.