WAJAALE NEWS

Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Booqasho Ku Tagay Xarunta Wakaalada Horumarinta Arimaha Bulshada Ee Dalka Jabuuti.

JABUUTI(W,N)-Maayarka caasimada hargaysa cabdikariim Axmed mooge iyo wafti xildhibaano oo uu hogaaminayo oo Maalmihii udanbeeyay safar shaqo ku joogay dalka jabuuti ayaa Maanta booqasho ku tagay xarunta Wakaalada horumarinta Arimaha bulshada ee dalka jabuuti oo uu  weheliyo safiirka Somaliland ujooga dalka jabuuti Amb cabdifataax.

Waxaana maayarka caasimada hargaysa ku weheliyay maayarka casimada jabuuti marwo faadumo oo iyadu Gadhwadeen ka ahayd booqashadan.

Ugu maayarka caasimada jabuuti ayaa ka hadashay ujeedada ay maayarka caasimada hargaysa ukeeneen xarunta wakaalada horumarinta arimaha bulshada jabuuti oo ay sheegtay in ay doonayaan in ay waxka bartaanwaftigi iyadoo sheegtay in ay iyagu dhawaan booqasho ku iman doonaan caasimada hargaysa.

Dhanka kale maayarka caasimada hargaysa cabdikariim axmed mooge  ayaadhigiisa dalka jabuuti uga mahad celiyay soo dhawaynta booqashada ay ku wada tageen goobaha dawlada ee dalka jabuuti isagoo sheegay in ay wax wayn ka korodhsadeen,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version