WAJAALE NEWS

Dowlada Soomaaliya Oo Somaliland Ku soo Amartey In ay Degdeg Ugu Soo Diyaargarowdo Wadahadaldii ay Hore U diidaneyd shanta Bilood iyo Wasiiru Khaarajiga oo ka hadley

 

Sida ay xaqiijiyeen, ilo xogogaal ah oo u dhuun daloola wararka ku sahabsan amuurtani islamarkaana, uga waramey Shabakada Wararka Hadhwanaagnews waxa ay masuuliyiinta xiligan hogaamiya dowlada koonfurta Soomaaliya gaashaanka ku dhufteen in aanay wadahadalada

Muqdisho(Wajaale-News)-Dowlada ka talisa dalka Soomaaliya, ayaa mar kaliya si degdeg ah amar ugu soo siisay Somaliland in ay si dhakhso ah ugu soo amababaxaan wadahadaladii u dhexeeyay labada dhinac taas, oo ay dalka Soomaaliya hore u diidaneyd mudo shan bilood ah iyadoo sida ay wararku sheegeen Shuruud uga dhigtey in ay ku diyaar garoobaan Mudo sadex maalmood ah, masuuliyiinta Somaliland. Sida ay xaqiijiyeen, ilo xogogaal ah oo u dhuun daloola wararka ku sahabsan amuurtani islamarkaana, uga waramey Shabakada Wararka Wajaalenews waxa ay masuuliyiinta xiligan hogaamiya dowlada koonfurta Soomaaliya gaashaanka ku dhufteen in aanay wadahadalada xiligan ay dalbanayaan aanay ka qeyb gali Karin islamarkaana , aaney goob joog ka ahaan doonin Dowladaha Reer Galbeedka gaar ahaan dalalka Yurub sida dowlada ingiriiska, marka laga Reebo dowlada Turkiga oo ay u ogol yihiin in ay iyadu udub dhexaad ka noqoto wadahadaladan, dalkeedana lagu qaban doono.
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa, maanta markii ugu horeysay kaga hadley Shir jaraa,id oo uu qabtey in wadahadaldaa dib loo dhigay mudo isagoo xusey Wasiirku in ay diyaar uyihiin  dhinaca Xukuumada Somaliland ,inkastoo wararku sheegeen, in ay hada Masuuliyiinta Somaliland ee Xukuumada Siilaanyo si bilaa shuruud ah ku qaateen amarka uga yimid dhinaca Dowlada koonfurta Soomaaliya, ee Xasan Sheekh Maxmuud hogaamiyo, waxaanay wararku tibaaxeen in ugu dambeyn ay sadex caanamaal kadib u amabixi doonaan xubnaha uga qeyb galaya wadahadaldan ay shanta bilood diidaneyd Dowlada muqdisho , wakhtigana uu xagooda ka yimid dalabku.

 

Wararka kasoo kordha kala soco Wajaalenews Arimaha ku sahabsan wadahalada Soomaaliya iyo Somaliland.

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

Exit mobile version