Qaraxan, ayaa xilligii Salaadda Cishaha ee caawa waxaa uu ka dhex dhacay Masaajid ku yaala xaafadda Hawlwadaag ee Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Laba qof, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay qaraxaasi ku dhimatay, iyadoo 12 kalana ay ku dhaawacantay. Waxaana dhibanayaasha loo qaaday goobaha caafimaadka.
Ciidamada Dowladda Somaliya oo daqiiqado ka dib gaaray Masaajidka, ayaa waxay ka wadaan baaritaano ku saabsan waxa dhabta ah ee qaraxaasi dhaliyay.
Wararka qaar waxay sheegayaan in qaraxu uu ka dhashay bambo gacmeyd lagu weeraray Masaajidka, halka warar kalana ay sheegayaan inuu ka dhashay miino ku aasneyd Masaajidka.
Saraakiisha Booliska iyo Maamulka Baledweyne, ayaan wax war ihi ka soo saarin qaraxa dhimashada iyo dhaawacab sababay ee ka dhacay Xarunta Gobolka Hiiraan.