WAJAALE NEWS

War Deg Deg Ah; Wakhtiga Rasmiga Ah Ee Uu Madaxwaynaha Jsl Sexeexay Soo Celinta Xeerka Ururada Oo La Helay Iyo Nuxurka Ay Xanbaarsan Tahay!

HARGAYSA(W,N)-Wakhtiga Rasmiga Ah ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Ku Sexeexay Xeerka Ururada Siyaasada Xeer No; 14 Uuna soo celiyay golaha wakiilada ayaa helay, Kaasi oo ku Taariikhaysan 20/07/2021 Halka Ay Madaxwaynaha soo gaadhay Qoraalka Ansixinta Golaha Wakiiladu ay usoo gudbiyeen shir gudoonka golihii hore Ay ku taariikhaysnayd 29/06/2021 Iyadoo Qoraalka golaha Wakiilada Madaxwaynaha usoo gudbiyeen Iyo mudada uu kusoo celiyay ay udhaxaysay 21cisho gudahood, ismarkaana ah maalintii sharcigu uu siinayay in madaxwaynuhu ku dhaqan galiyo xeerkan amaba ku diido sharci ahaan sax ah ay tahay  wakhtiga uu madaxwaynuhu kusoo celiyay golaha wakiilada Somaliland ee cusub.

Sidoo kale qoraalka uu madaxaynaha Somaliland kusoo celiyay xeerka ururada siyaasada Xeer No;14 ayaa waxaa uu kusoo lifaaqay qodoba uu ucuskaday soo celinta xeerkan iyo Qawaaniinta Dastuurka Somaliland ee uu khilaafsan yahay xeerkani iyo qodobada loo baahan yahay in lays waafajiyo wakhtiga uu ururada siyaasada amaba asxaabta qaranka ee jira uu ka dhacaya liisanku iyo doorashada golaha guurtida wakhtiga la qabanayo iyo qabsoomida doorashada madaxtooyada oo uu khilaafsan yahay xeerkani.

Qoraalka warqada uu madaxwaynaha jsl kusoo celiyay xeerka ururada ayaa waxaa helay Tvga Horyaal24tv.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

 

Exit mobile version