NAYROOBI(W,N)-Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa kulan Magaalada Nairobi kula yeeshay Waddamada iyo Hay’addaha Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka.
Gudoomiyayaasha xisbiyada wadani iyo Ucid oo uu weheliyo musharaxa xisbiga wadani iyo kuxigeenkiisu iyo xubno kale oo katirsan labada xisbi ayaa magaalada Naroobi kulamo kula yeeshay safiirada dalalka Sweden Iyo Filand iyo madax kale kaasi oo lagaga wada hadlay qabsoomida dooorashada Somaliland ee 2022 iyo doorka ay ku leeyihiin dalalka Somaliland ka taageera geedi socodka hanaanka dimuqraadiyada.