WAJAALE NEWS

“Maalinta Saxaafadda Waxaan Kaga Qayb Gelayaa Xasuustii Cawke Iyo Xikaayadiisii Weriyihii Weynaa Axmed Xasan (Cawke)”Aqoonyahan Jamaac Cali Xuseen.

“Maalinta Saxaafadda Waxaan kaga qayb gelayaa Xasuustii Cawke iyo xikaayadiisii. Weriyihii weynaa Axmed Xasan Sh.Suufi (Cawke) Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyee Wuxuu kaloo ahaa Aftahan Weliba kaftanyahan ah Oo aadan sheekadiisa ka xiiso goynaynin. Waxaa laga weriyey Cawke beri uu xagaa iyo Hawdka tegay ayaa Wuxuu yidhi Cawke Waxaanu tagnay Tuulo dhinaca hawdka ku taala. kolkaasuu gabadh wiil yar wadata ku soo baxay aroor hore kolkaasuu yidhi ” walaal tuuladda magaceed” kolkaasuu gabadhii ku tidhi ” Libaax Qawdhama ayaa la yidhaa Tuuladan.” Kolkaasay hadana Cawke gabadhii ku yidhi; ” Walaal adiguna magacaa” kolkaasay gabadhii tidhi ” waxa lay yidhaa Nimco Gool”

Kolkaasuu hadana ku yidhi” Oo wiilkan yar ma adigaa dhalay?” Kolkaasay gabadhii Ugu jawaabtay ” wiilkaana waxa dhalay walaalkay Aar Oo waa Cagabaruur”. Kolkaasuu Cawke intuu hareeraha eegay buu is yidhi Waar meeshan Libaaxbaaba kugu cuni kkk. Ilaahay isaga iyo dhamaan intii saxaafadda ku jirtay ee inaga hooseysa haw naxariisto.

QALINKII; AQOONYAHAN JAMAAL CALI XUSEEN.

Exit mobile version