WAJAALE NEWS

Ciidanka Dab Demiska Oo Damiyay Dab Qabsaday Guri ku Yaala Xaafada 150 Ee Magaalada Hargaysa Iyo Khasaaraha Uu Sobobay.

HARGAYSA(W,N)-Ciidanka Dab-demiska Ee Caasimada Hargeysa ayaa damiyay dab qabsaday guri ku yaala xaafada 150, kaasi oo ay yaaleen qalab dhisme.

Nooca guriga ayaa Ahaa fooq , waxaana taalay  alaabta dhismaha  t Qol istoodh ah oo ku yaala barxada hore ee guriga. Kuwaasi oo ay khasaare uu soo gaadhay qalabkii dhismaha ee yaala gurigan dabku ka kacay mana jirto dad wax ku noqday dabkani.

Ciidamada ayaa ku guuleystay inay dabkaas xakameeyaan , sidoo kalena badbaadiyaan intii badnayd hantidii goobtaas taalay.

Dhanka kale ciidanka ayaa dabkaas ka xakameeyay guriga intiisa kale, maadaama oo dabku ahaa mid aad u fidiyay.

Mulkiilihii lahaa hantidaa ayaa u mahadnaqay ciidanka Dab-demiska, waxaa iyaguna hawlgalkaa goobjoog ciidanka Booliska ee degmada Ibraahim Koodbuur.

Exit mobile version