WAJAALE NEWS

“Bal Day Waa Maato Iyo Maxas Dumar Iyo Caruur ah, Dadka Loo Nisbaynayo Ee Loo Ciqaabayo Dilalkii Ka Dhacay Laascanood”Cali Guray.

“WAAR YAA SOMALILAND AHEEY DURUGTAY CEEBTIIYE”CALI GURAY,

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) Oo kamid ah Siyaasiyiinta reer Somaliland ee sida madaxa Banaan uga hadla Xaaladaha ka jira Somaliland iyo geeskaba africa ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay in somaliland laga tarxiilo dad maati iyo Maxas ah oo kasoo jeedo koonfurta somaliya, ismarkaana aan Waxba galabsan iyadoo loo nisbaynayo dilalka ka dhaca Magaalada laascanood.

Sidoo kale siyaasi Cali Guray Ayaa talaabadan ay xukuumadu ku Mastaafurisay dadka maatigada ah Ee deganaa magaalada Laascanood ku tilmaamay mid ceeb ku ah Somaliland iyo in Xukuuumadu xal ka raadiso meel aan ahayn halka xaqiiqadu Tahay.

Siyasi Cali Guray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada e Facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

WAAR YAA SOMALILAND AHEEY DURUGTAY CEEBTIIYE

Bal day Waa Maato Iyo Maxas Dumar Iyo Caruur Yiciis ah Dadka Loo Nisbaynayo Ee Loo Ciqaabayo Dilalkii Ka Dhacay LAASCAANOOD,.

AHN Eh Macalin Gaariye wuxu yidhi:

Car suuqa madoobi ciduu yahay soo hel

Ma jeeblahan cawlan ayaa ku curyaanshay.

Waa marka xalka laga doono meel aanu ku jirin sida tan oo kale,

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

Exit mobile version