WAJAALE NEWS

Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Danta Laga Lahaa Kulanka Ka Dhacay Jabuuti Ee Wadahadalka Somaliland Iyo Somaliya!

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa ka hadlay ujeedada laga lahaa shirka Somaliland iyo somaliya ee ka dhacay dalka jabuuti isagoo sheegay in aan ilaa hada wax guul ah laga filan Karin.

Sidoo kale cali guray ayaa kahadlay wax uu noqon karo natiijada wadahadalada Somaliland iyo somaliya ee mustaqbalka.

Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

GUULI WAA WELI

“Kulankan ka dhacay Jabuuti danta laga lahaa waxay ahayd keliya in dib loo bilaabo wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya oo xidhmay markii lagu kala kacay kulankii ugu dambeeyay ee labada dhinac ay ku yeesheen dalka Turkiga muddo haatan laga joogo qiyaastii afar sanadood wax ku dhaw. Marka aynu eegno qodobada ka soo baxay kulanka waxaynu odhan karaynaa oo run ah in uu guulaystay mar hadii dan tii laga lahaa lagu guulaystay wadahadaladina ay mar kale dib u furmeen, balse guusha wayni waa weli oo waa in la gaadho xal sida uu noqon doono mustaqbalka dhaw iyo ka fog xidhiidhka Somaliland iyo Somalia, taas oo noqon karta guusha kama dambaysta ah ee Wada hadalada.

Haddii aanay natiijada wadahadaladu ilaa halkaa gaadhi karin wax guul la odhan karo oo laga gaadhay ma jirto ee waxa lagu warwareegaa waa sidii hore “ I jiid aan ku jiido” iyo gacmo daalis uun. Marka aynu eegno qodobka Somaliland ay ku xidhay in dib loo bilaabo wadahadaladii labada dhinaca wuxu ahaa in qodobadii hore loogu heshiiyay marka hore la fuliyo, qodobadaasina waxay ku koobnaayeen keliya mudada wadahadaladu ay socdaan laakiin wax saamayn ah kuma yeelanayn natiijada wadahadalada oo ah halka loo socdo.

Khudbadii qiimaha lahayd ee Madaxwaynaha Somaliland uu ka jeediyay madashu waxay ahayd garnaqsi dhan oo wixii la soo maray ama dhacay ka hor burburkii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee ku timi israacii aan shuruudda lagu xidhin ee Somaliland ay kula midawday Somalia 1dii July 1960. Waxa kale oo khudbadda Madaxwaynuhu xusaysay wixii Somaliland ay qabsatay iyo horumarka ay gaadhay muddada 30ka sanadood ku dhaw ee ka dambaysay burburkii qarannimadii soomaaliyeed oo Somaliland ay gaarkeeda u taagnayd.

Hadaba marka aynu eegno khudbaddii Madaxwayne Farmaajo nuxurkeedu wuxu ahaa meel keliya. Isagoo aan daadifayn garnaqsigii dhinaca Somaliland ayuu hadal gun buu leeyahay mawqifka ahaa xidhiidhka mastaqbalka labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia oo uu si cad u iftiimiyay. Soomaalidii hore dhaqan ahaa marka ay coolaadi dhexmarto ee la heshiinayo waxa laga dhaqaaqi jiray in la yidhaa “ waar wixii dhacay wuu dhacay intii dhimatayna way dhimatay ee maanta inta nool ma u talinaa?”. Hadaba hadalkii Madaxwayne Farmaajo anigu marka aan isku soo wada duubo wuxu ahaa uun “ inta nool ma u talinaa” isagoo markaa u arkayay in danta dadkeenu, Somaliland iyo Somalia ba ay ku jirito in aan la kala tegin ee xalku yahay qaran keliya (one state solution).

Hadaba dhinaca Somalia maaha in ay runta iska Indho tiraan. Hadii Somaliland iyo Somaliya ay mar kale qaran keliya wada yeelanayaan ma noqon karo kii hore ee 1dii July 1960, ee wuxu noqon karaa mid cusub oo lagu heshiiyay in la yagleelo kaasoo ku iman kara axdi cusub oo dib u midaw ah (Act of Re-union) oo dadka Somaliland iyo dadka Somalia dhinacba gaarkiisa looga qaado Afti Dadwayne. Hadii kale dadka Somaliland in loo ogolaado xaqa ay u leeyihiin aayo ka tashigooda oo laga qaado afti ay Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamku goobjoog ka yihiin natiijadana loo wada hogaansamo. Waayo Somaliland waxa jira Dastuur lagu ansixiyay afti dadwayne waxa lagu bedeli karaana keliya waa afti dadwayne oo dadka Somaliland oo dhami ay ka qayb qaataan.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh ugu dambaysta ka fursan mayso in wadahadaladu ay ku soo gebogaboobaan afti dadwayne oo laga qaado dadka Somaliland oo keliya ama labadaba midba gaarkiisa waayo dadka Somalia ayaaba laga yaabaa inay diidi karaan haddii midnimadii lixdankii wax ka duwan la isla qaato. Tusaale ahaan marka ay noqoto federaal laba dhinac ah marka wixii la kala yeelanayo laga heshiiyo wixii la wada yeelanayo yaa huba in la isla ogolaan karo. Somaliland ayaaba soo dhigtay

In Baarlamanka iyo wax kasta oo la wada yeelanayo nus iyo nus loo kala qaato caasimaduna ay Hargeysa noqoto. Waxan qabaa in dadka Somalia ay diidi doonaan, taasina marka ay xalka ka dhigayso in la isla ogolaado xalka labada qaran (two state solution). Waa macquul; yaa yidhi Somaliland ayuun baa wax kasta diidan.

QALINKII; SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

Exit mobile version