WAJAALE NEWS

”Lama Aqbalayo, Madaxweyne Gudomiye Guurti Iyo Raysal Wasaare Ilmaadeer Ah..” Mumin Seed

HARGEISA(Wajaalenews0;Guddoomiye xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md. Axmed Muumin Seed, ayaa si kulul u cambaareeyay hadal uu sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo ka soo yeedhay, kaas oo uu masuulkani tilmaamay inuu wasiirka madaxtooyada ka dhigay wasiirka wasiirada.

Warsaxaafadeed uu Mr. Muumin oo sidoo kale ah ku simaha guddoomiyaha Waddani, shalay soo saaray wuxuu ku sheegay in gobalada galbeedka lagu qasbayo inay samaystaan maamul goboleed mar haddii buu yidhi xilkii madaxweyne-xigeenka loo magacaabay Wasiir Xirsi. Warsaxaafadeedka uu soo saaray guddoomiye xigeenka xisbiga Waddani ayaa wuxuuu dhignaa sidan “Somaliland waa dal dimuqraadiyad ku dhisan maadam oo madaxweynaha iyo madax weyne xigeenku si isku mida loo soo doorto oo midna midka kale aanu xilka ka qaadi Karin madaxweyne Ahmed siilaanyowuxuu ku dhawaaqay Ra’iisal wasaare (wasiirka wasiirada) kaas oo aha sharci daro isla markaana xadgudub ku aha dastuurka iyo shauruucada dalaka islamarkaana ka hor imanayasa saami qaysbiga Somaliland ku soo caano maashay

Somaliland waa loo so dhintay maantana waxay tagan tahay in la difaaco oo markale loo dhinto si umada looga kor qaado nidaamka kaligii taliska ah ee wadaadada xagjirka ah lagu wareejiyey

Waxaan bulshada ugu baaqaya in ay codkooda iyo cuudkoodaba ay mideeyaan Xukun qarqooshka ahna iska dulqaadan

Madaxweyne   siilaanyo iyo inta ka agdhawi dalkii way burbuiyeen bariga dalka sidaad wada ogtihiin waxaa dowlad ka samaystay Cali khaliif Galaydh xukumada Siilanyana way   ku saaciday, galbeedkana waxa lagu khasbayaa inuu samaysto maamul goboleed aanu rabin.

1.     Mar haddii salaadiintoodi la dhaqaysan waayey

2.     Madaxwyne ku xigeenkiina xilkisii cid kale loo magacaabay ( wasiira wasiirada)

Madaxweyne siilaanyo iyo qaraabadiisu caqliga dadka ayey ku ciyaarayaan dadka iyo dalkana way kala dirayaan si aan loola xisaabtamin mustaqbalka

Afka carabiga waxaa lagu yidhaa Ra’iisal wasaare ingirsigana Prime minister somligana wasiirka wasiirada ama wasiirka koobad sidii madaxweynuhu ka shaaciyayey warbaahinta wuxuu u magacaabay Xirsi xaaji Cali Ra’iisal wasaare sharci daro ah loona baahan yahay in lagula xisaabtamo Madaxweynaha oo baarlamanka shacabka matalaan ku inbiij gareeyaan inta aanay bulshada gaadhin in ay gacanta iskula tagaan.

Madaxweyne cid aqbalaysaana ma jirto madaxweyne , gudoomiye guurtida, iyo Ra’iisalwasaare ilamadeera ah

Somaliland aqbali mayso kumana sii jiri karto qaraabo kiil iyo isku dul noolaansho baal marsan awood qaybsigii soomaliland ku heshiisay ee shirwaynihii ka dhacay boorama

 

waxaan cod dheer ugu sheegaynaa siilaanyo iyo Saleebaan Maxamuud Aadan gudoomiyaha guurtida oo aan leeyahay ka qabta nimanka calooshooda u shaqaysta yaasha ah ee aad adeerka u tihiin, umada Somaliland idinka waxaan idin leeyahay ku karaamo seegte Hogaaminta Jamhuuriyada Somaliland ee ha aas Qaran seegina Da’daad joogtaa dunuubta ayey iska dhawrtaa ee u tudha dadka iyo dalka aad isu kaashateen dumintiisa ee cabudhinta, Afduubka, Xasilooni darada, ee Cadaalad Darada qaawani Hoyga u noqotay WAAR ILLAHAY IYO ADOOMIHIISA KA BAQA”

Exit mobile version