WAJAALE NEWS

Xildhibaan Katirsanaa Golaha Deegaanka Oo Caawa Dablay Hubaysani Ku Dileen Magaalada Laascaanood.

Mudadii Maxamed Kaahin Uu Ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Imisa Dil Ayaa Ka Dhacay Gudaha Magaalada Laascaanood Oo Aan Fadhiga Looga Kicin?

LAASCANOOD(W,N)-Magaalada Laascaanood ayaa Caawa Dablay Hubaysani ku dileen xildhibaan katirsanaa golaha degaanka degmada laascanood kaasi oo lagu hor toogtay hoyga uu ka daganaa magaalada Laasnacood.

Alle Ha,Unaxariistee Xildhibaan Cabdirasaq Axmed Cilmi (Cardoofe) ayaa kamid ahaa xildhibaanada golaha deegaanka Degmada laascanood ee kazoo baxay xisbiga mucaaridka ah ee wadani.

Wararka  aanu ka helay magaalada laascanood ayaa sheegaya in aanay jirin cid loo qabtay dilka xilhdibaanka iyadoo aanay wali ka hadal maamulka gobolku iyo laamaha amaanku dilka xildhibaanka.

Habada Mudadii Maxamed Kaahin Uu Wasiirka Arimaha Gudaha Ahaa Imisa Dil Ayaa Ka Dhacay Laascaanood Oo Aan Fadhiga Looga Kicin”

Gudoomiyihii Maxakmada, Taliyihii Sirdoonka Gobolka, Gudoomiyihii Komishanka, Iyo Xildhibaanka Caawa La Dilay  iyo Waliba Haldoor kale, ayaa lagu Dilay Magaalada Laascaanood, ee Xarunta Gobolka Sool mudadii uu hada Wasiirka Arimaha Gudaha iyo amaanka ahaa Maxamed Kaahin Axmed, ee xukuumada madaxwayne biixi xilka haysay iyo Waliba Gudoomiyaha Gobolka ee Xiligan Cabdiqani Jiidhe, oo isagana uu Madaxweyne Biixi u Magacaabay Badhasaabka Gobolkaasi.

Ilaa iyo hada Majiraan, in Xataa in Dib Loo soo Hadalqaaday, Masuuliyiintaasi Lagu Dilay Magaalada Laascaanood, iyadoo Dilalka Noocan ahi ay Yihiin Marka Dhab loogu Kuurgalo Kuwa ujeedo Gaar ah oo Qorshaysani Ka Dambayso, Si Maamulka iyo Ciidamada Somaliland iyo Bulshada Laascaanood, loo kala Dili lahaa Maadaama Masuuliyadda, amaanku Saaran Tahay, Ciidamada Iyo Maamulka Somaliland, Talaabadan oo aan aheyn Mid Ku Cusub Degmada Laascaanood, Laakiin Wakhtiyo hore ka Jirtey Ilaa Wakhtigii Xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale, Waxaa Awal hore lagu Xidhiidhin jirey Kooxaha Argagixisada iyo Qeybo Kamid ah oo ka Adeegta Laascaanood, inkastoo ay Hadda Siweyn uga Duwan Tahey Dilalka Noocooda ah, ee Ka dhaca Laascaanood, Kuwaas oo Dad badani u Tuhun Qabaan in ay Ku Xidhiidhsan Yihiin Heer Federaal Marka laga Tixraaco, Shakhsiyaadka Baraha Bulshada ka Taageera Kooxda Nisa iyo Dawlada Federaalka, inkastoo Xukuumada Somaliland iyo Wasaaradeeda Arimaha Guduhu Siweyn u Dayacdey kadaba Taga iyo Ka Hortaga Dhacdooyinkaasi Foosha Xun ee Dadka lagu Laynayo.

Waxa ay Dad badani la Yaaban yihiin, Habdhaqanka Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ee Marka la barbar Dhigo, Hadalada aan Micnaha Badan Laheyn ee Jawaabta Xisbiyada iyo Baanaha uu La taagan Yahay Fagaarayaasha Siyaasadeed iyo Waliba Sida uu uga Madhan Yahay Shaqadii Dhinaca amaanka, oo uu Wakhtiyo badan ku Fashilmay Kadib Markii isagoo ku Sugan Laascaanood, ay Birta iska Asleen Laba Beelood, Sidoo Kalena, isagoo Ku Sugan Ceel-Afweyn ay Birta iska askeen Laba Beelood.

Sikasta, oo ay Tahay dhacdadan, Dilalka ah ee Ka dhacaya Laascaanood, oo ah Kuwa Qorshaysan Waxa ay Baylahdoodu Dul Taalaa, Maamulka Gobolka oo aan Marnaba u Dhignayn Nidaamkii Dawladnimo iyo Shaqadii loo igmaday iyo Waliba Goldaloolada Wasaarada Arimaha Gudaha ee Wasiirku Hormoodka u Yahay.

 

Exit mobile version