WAJAALE NEWS

Faah Faahinta; Khasaaraha Ka Dhashay Roobabkii Galabta Ilaa Caawa Fiidkii Ka Da,ay Magaalada Hargaysa!

Hargaysa(W,N)-Ciidamada Dab damiska Somaliland  Ayaa  ilaa xalay Ilaa caawa fiidkii gurmad fidiyay dadka iyo gaadiid ay khasaare Soo gaadhsiiyeen roobabkii galabta ilaa caawa fiidkii ka da,ayay Magaalada hargaysa Ayaa ka warbixinyay  khasaarihii ka Dhashey iyo badbaadooyinkii ciidanku sameeyeen raxmaadkii Eebe ee caawa ku hoorey caasimada Hargeysa oo faahfaahsan waxay kala tahay :-

1;Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa waxaa laga soo badbaadiyay laba Wiil oo dhalinyaro ah oo daadku  la tagey, waxaana la gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Hargeysa, iyadoo ay soo gaadheen dhaawacyo fudud.

2;Dooxa weyn gaar ahaan aaga Hotel Maamuus waxaa daadku la tagey laba gaadhi oo kala ahaa Vitz iyo Iskarogo, hasayeeshee waxaa ciidanku ka samatabixiyay dadkii saarnaa Gaadiidkaas.

3;Dagmada Gacan_Libaax gaar ahaan Iskuulka Imaaraadka laag u dhaw waxaa laga soo badbaadiyay gaadhi Lancruiser ah.

Dab ka kacay guri buul ah oo ku yaala barakacayaasha Malawle ee degmada Ibraahim Koodbuur, ciidanka ayaa ku guuleystay daminta dabkaas.

5;Laba gaadhi oo laago laga saaray degmooyinka Axmed dhagax iyo Maxamuud Haybe.

Isgoyska Total Shoodh laydh ka kacay biraha xayaysiisyada ayaa isagana ciidamadu damiyeen.

Guud ahaan hawlgalada ciidanka Dab-demisku u gurmadeen ilaa hadda ayaan jirin dhimasho iyo dhaawac la soo sheegay, waxaana ilaa hadda ciidanka Dab-demisku ku gudajiraan gurmadkaas.

Hawlgaladan waxaa iyaguna dhankooda gurmadka ku jiray ciidanka Booliska, cisbitaalka weyn iyo dawlada hoose Hargeysa.

Ugu dambayn Taliyaha ciidanka dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada inay sameeyaan taxadar dheeraad ah xilliyada Roobabka, sidoo kalena ka fogaadaan Dooxyada, laagaha, biyo mareenada iyo xadhkaha Korontada.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

Exit mobile version