WAJAALE NEWS

Wasaarada Shaqo Gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland oo Soo Bandhigtay Qorshe Hawleedyada Saddexda Sanno Ee Soo Socda

Hargeysa (WJN)- Wasaarada haqo geinta iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa waxa ay maanta soo bandhigtay qorshe hawleedka saddexda sano ee soo socda ee wasaaradu ku meel marin lahayd waxqabadyada kala duwan wasaaradaasi.

Kulan kan oo ka qabsoomay Hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka wasaarada shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada, Agaasimaha guud ee wasaaradaasi, Wasiir ku-xigeenada wasaaradaha qorshaynta iyo arrimaha gudaha, Masuuliyiin ka socday Hay”addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah iyo hawl wadeenada wasaarada shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada.

Ugu horayn Filsan Xuseen Khaliif oo ka mid ah hawl wadeebnada wasaarada shaqo gelinta ayaa waxaa ay ka warbxisay qorshe hawleedka shanta sanno ee socda ee wasaarada shaqo gelinta.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

Exit mobile version