HARGAYSA(W,N)-Maamulka dawlada hoose ee caasimada hargaysa ayaa bilaabay dhismaha wado casriga oo ay dayactir iyo balaadhan ay kusamaynayso taasi oo kazoo bixi doonta saldhiga dhexe dhiniciisa koonfureed ilaa huteelka shacabka ee Empire taasi oo wax wayn ka qaban doonta fududaynta samxada gaadiidka ee wadooyinka badhtamaha magaalada.
Xoghayaha dawlada hoose iyo xubno katirsan golaha deegaanka caasimada ayaa faah faahin ka bixiyay dhagax dhiga wadadan oo ay hirgalinayso dawlada hoose iyagoo ku baaqay in dadka wadada kusoo durtay ayka diyaar garoobaan.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;