WAJAALE NEWS

Shil Gaadhi Ka Dhacay Duleedka Bari Ee Magaalada Hargaysa Oo Sobobay Dhimashada Afar Qof Iyo Dhaawac Kale!

Hargeysa(W,N)-Shil khasaare Dhimasho Iyo dhaawac sobobay ayaa maanta ka dhacay dulleedka Beri ee Magaalada Hargeysa,

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo kala ah gaadhi yar oo tukhaana iyo gaadhi dhayne ah oo ay dad shacab ahi ay saarnaayeen, waxaana ka dhashay Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo gaadhay dadkii Rakaabka ahaa e Saarnaa labada gaadhi ee isku dhacay.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in shilkaasi ay ku dhinten Afar oo saarnaa gaadhi yare e tukhaanka halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo xaaladdooda caafimaad laga dayrimayo,

Dadka ku geeriyooday shilka iyo kuwii ku dhaawacmay ayaa la geeyay cisbitaalka way nee magaalada hargaysa.

Exit mobile version