WAJAALE NEWS

Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo fadhigii labaad Ku Dhagaysatay Dacwadaha La Xidhiidha Natiijadii Doorashada Golaha Wakiillada JSL.

HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali iyo 9 garsoore oo kala ah ku-xigeenka guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele, Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Axmed Diiriye Qaalib, Yaxye Cali Idiris, Maxamed Faarax Siciid, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan iyo Cabdilaahi Cabdi Aadam oo ay wehelinayso kaaliyaha Maxkamadda Dastuuriga ah Sahra Ismaaciil Cabdilaahi ayaa maanta fadhi buuxa (Full bench) ku dhagaystay 7 dacwadood oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd ee golaha Wakiillada JSL.

Sida uu qorshuhu ahaa maanta waxa mudaysnaa 8 dacwadood hase ahaatee saaka ayuu hal (1) murshax ka noqday dacwadiisii, sidaa daraadeed maxkamadu waxay dhagaysatay 7 dacwadood, oo marka lagu daro 7-dii dacwadood ee ay hore u dhagaysatay 23/06/2021, ka dhigaysa wadarta dacwadaha la dhagaystay 14 dacwadood.

Waxa sidoo kale mudaysan 8 dacwadood oo ay Maxkamadu dhagaysan doonto maalmaha soo socda, marka uu soo dhammaado dhagaysiga dacwaduhu waxay maxkamaddu soo saari doontaa go’aan kama dambays ah oo la xidhiidha dacwadahaasi.

 

Exit mobile version