|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo fadhigii labaad Ku Dhagaysatay Dacwadaha La Xidhiidha Natiijadii Doorashada Golaha Wakiillada JSL.
June 27, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali iyo 9 garsoore oo kala ah ku-xigeenka guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele, Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Axmed Diiriye Qaalib, Yaxye Cali Idiris, Maxamed Faarax Siciid, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan iyo Cabdilaahi Cabdi Aadam oo ay wehelinayso kaaliyaha Maxkamadda Dastuuriga ah Sahra Ismaaciil Cabdilaahi ayaa maanta fadhi buuxa (Full bench) ku dhagaystay 7 dacwadood oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd ee golaha Wakiillada JSL. Sida uu qorshuhu ahaa maanta waxa mudaysnaa 8 dacwadood hase ahaatee saaka ayuu hal (1) murshax ka noqday dacwadiisii, sidaa daraadeed maxkamadu waxay dhagaysatay 7 dacwadood, oo marka lagu daro 7-dii dacwadood ee ay hore u dhagaysatay 23/06/2021, ka dhigaysa wadarta dacwadaha la dhagaystay 14 dacwadood. Waxa sidoo kale mudaysan 8 dacwadood oo ay Maxkamadu dhagaysan doonto maalmaha soo socda, marka uu soo dhammaado dhagaysiga dacwaduhu waxay maxkamaddu soo saari doontaa go’aan kama dambays ah oo la xidhiidha dacwadahaasi.
Related posts:Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya oo Ka Soo Horjeestay Isdhax-galka Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Ito... TAlEEX MIYAANEY SOMALILAND AHEYN MISE SHIRKA DOODA QARAN AYAA KA WAYNAADEY XASUUQA SHACBIGA SOMALILA... Siyaasiyiin & Madaxdhaqameedka Jsl Oo ka Hadlay Qaabka Loo Xalin Karo Xaalada Laascanood Iyo Fariint... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|