GABILEY(W,N)-Haweenka iyo dhalinyarada Magaalada Gabiley Ayaa Caawa Magaalada Gabiley ku qabtay munaasibad Balaadhan oo ay ku taageerayaan Musharax Maxamed Cabdilaahi Bookh oo usharaxan golaha wakiilada jsl Ee gobolka Maroodi Jeex iyo musharax Cabdi Cali Xirsi oo usharaxan golaha Deegaanka Degmada Gabiley Labadan Musharax Ee isku sidkan ayaa ka sharaxan xisbiga wadani.
Munaasibad oo caawa la dhacay magaalada gabiley ayaa haween waynaha reer gabiley ee beesha labadan musharax ku muujiyeen cududa tageero ee ay la barbar taagan yihiin Musharax Maxamed Cabdilaahi Bookh iyo Musharax Abwaan Cabdi Cali Xirsi.
Sidoo kale Haweenkii Iyo dhalinyaradii madasha ka hadlay ayaa wacad ku maray in codkooda iyo cudooda la barbar taagan yihiin labadan musharax ee beeshu isku raacday.
WAJAALENEWS DESK
GABILEY OFFICE