WAJAALE NEWS

Siyaasiyiinta Iyo Madaxdhaqameedka Beesha Musharax Maxamed Cabdilaahi Bookh Oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Gabiley!

GABILEY(W,N)-Siyaasiyiinta madax-dhaqameedka ,Aqoonyahanka beesha Musharax Maxamed Cabdilaahi Bookh Uu Usharaxan golaha Wakiilada Gobolka Maroodi jeex ayaa kulan ku yeeshay Magaalada gabiley kaasi oo lagaga arinsanayay masiirka siyaasadeed ee beesha sidii loo wada dhisi lahaa musharaxa beesha ee usharaxan golaha wakiilada maxamed cabdilaahi bookh iyo sidii looga wada shaqayn lahaa isku duubnimada beesha waqooyiga iyo galbeedka Gobolka  gabiley.

Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaaa siyaasi abiib diiriye nuur “abiib timacad” iyo siyaasi Abiib Xasan Filfil oo labaduba xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadiihii soo maray somaliland madax-dhaqameed iyo aqoonyahan kaasi oo laga warsugayo go,aanka ay kazoo saareen iyo halka rasmiga ah ee uu ka sharaxan yahay musharax beeshu isku raacday Maxamed cabdilaahi bookh oo isagu kamid ah musharixiinta ugu cad cad gobolka maroodi islamarkaana door mihiim ka soo qaatay diwaangalintii iyo caawimooyin lagu taakulayno bulshada ku nool waqooyiga gobolka gabiley.

Exit mobile version