WAJAALE NEWS

Wasaarada Waxbarashada Jsl Oo Ka Hadashay Ardaydii Reer Somaliland Ee Laga Soo Daad Gureeyay Dagaalada Itoobiya Oo Qaarkood Dib Ugu Noqdeen Gobolka Tigreey!

Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Sheegtay In Talaabo Sharci Ay ka qaadayso Arday Dib ugu noqotay Gobolka Dagaaladu ka Socdaan Ee Itoobiya  Iyo Fariinta Ay Udirtay Waalidiintooda.

HARGAYSA(W,N)-Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashadda somaliland  Axmed Abokor ayaa war-saxaafadeed soo saaray  ardaydii reer Somaliland ee laga soo badbaadiyay dagaalada ka socda gobolka tigreey ee itoobiya amar la,aan dib ugu noqday magaalada maqalle. Wuxuna udhignaa sidan;

WAR SAXAAFADEED

Taariikh: 19/01/2021

Sida Aad la wada socoteen, waxa jiray arday reer Somaliland ah oo waxbarasho Jaamacadeed u joogay dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, gaar ahaan gobolka Tigray ee ay dagaalladu ka dhaceen. Ardaydaas oo dedaal dheer kadib la soo daadgureeyey, iyaga oo bedqabana ku soo guryo noqday dalkooda hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa aannu xog sugan ku helnay in hal Arday oo ka mid ah Ardaydaasi uu dib ugu Ambabaxay Magaalada Maqalle ee gobolka Tigraay.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL waxa ay u aragtaa in ardaygaasi uu ku kacay fal aan loo baahnayn.

Sidaa daraadeed, Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan ardayda wax ka baranaysay Jaamacadaha gobolka Tigraay ee hadda ku sugan Somaliland:

1;In aanay ku noqon karin Jaamacadaha magaalada Maqalle ilaa ay oggolaansho rasmi ah ka helaan Wasaaradda Waxbarashada JSL.

2;In ardayda u hoggaansami weyda awaamiirta Wasaaradda Waxbarashada laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Ugu danbayn, waalidiinta ardaydaasi waxaannu ku wargelinaynaa in aanay Wasaaradda Waxbarashadu masuul ka ahayn bedqabka carruurtooda haddii ay amar la’aan baxaan.

Ardayda ama Waalidiinta u baahan xog dheeraad ah hala soo xidhiidhaan Wasaaradda Waxbarashada iyaga oo soo wacaya lambarkan 9666. Ayuu warsaxafeedka wasaarada waxbarashada ku yidhi Agaasimaha guud ee wasaarada Axmed Abokor

ALLAA MAHAD LEH.

Exit mobile version