WAJAALE NEWS

“Wadaadka Heesaha Iyo fanka Xaaraanta Ku Sheegay Su,aalo Muhiim Ah Ayaan U Wadaa”’Abwaan Weedhsame.

HARGAYSA(W,N)-Abwaan Xasan Daahir “weedhsame” oo kamid Hal abuurka reer Somaliland ayaa dareen celiyay dhawaaqyada Maalmihii udanbeeyay kazoo yeedhay qaarkamid ah wadaada Dalka oo siwayn u weeraray fanta kuna sheegay in uu xaaraan yahay fanku.

Abwaan Weedhsame ayaa wadaada ay hadaladaasi kazoo Yeedheen waydiiyay su,aalo muhiim oo la xidhiidha waxa ay xaaraantinimaynta fanka u adeegsadeen.

Dhanka kale abwaan weedhsame ayaa soo bandhigay waxyaabihii diiniga ahaa ay fanka ka sheegeen culimadii waawayn ee islaamku

Qoraal uu abwaan weedhsame arimahaasi kaga hadlay oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ayaa udhignaa Sidan;

“Wadaadka Heesaha Iyo fanka xaaraanta ku sheegay su,aalo muhiim ah ayaan saaka u wadaa.

Waxa jira rag culimo ah oo BUKHAARI, MUSLIM iyo ASXAABU SUNANKUBA axaadiista ka weriyeen, kuwaas oo heesaha iyo muusigaba xalaashaday, dhegaysan jiray, oo weliba la badheedhi jiray. Raggan waxa ka mid ah kuwan:

عبدالعزيز بن الماجشون

يوسف بن الماجشون

عبدالملك بن عبدالعزيز

إبراهيم بن سعد بن إبراهيم الزهري

1;Bal haddaba nimankani, Siday imaamyadii xadiisku looga-qaateenimadooda ugu kalsoonaadeen, maadaama idinku aad aaminsan tihiin in heesaha iyo muusigu xaaraan yihiin. Sidee qof xaaraanta xalaashaday ilayn waaba gaale, looga weriyey xadiiska nebiga isla markaana loogu daray saxeexaynka?

Fiiro gaara: waxa jira wax la yidhaa “عدالة الروي” waxaana shuruudaheeda ka mid ah “ترك المحرمات” oo ah in laga fogaado waxa xaaraanta ah. Haddaba, Qof aan xaaraanta ka fogaanayn siduu xadiiskiisu  saxeexaynka ugu jiraa ilayn heestu waa xaaraane?

2;Maadaama idinka xaggiina qofka heesa iyo kuwa heesaha dhegaystaaba ay FAASIQIIN ka qoran yihiin, Sidee bay Axmed binu xambal, Bukhaari, Muslim, Tirmidi, Ibnu Maajah, iwm saxiix ugu sheegeen axaadiista raggaas heesaha kabanka loogu tumayaa sanadkooda ay ku jiraan.?

3;Raggani aan xusay, keliya may ahayn niman xadiiska laga weriyey oo qudha, balse waxa ay ahaayeen Raggii fatwada iyo fiqiga iyo diintaba loo daba fadhiisanayey, maxaad u qarisaan inay jiraan culimo waaweyn oo taabiciyiin ah oo heesaha iyo muusigaba xalaal u arkayey?

4;Ugu yaraan maxaad ummada ugu qarisaan in arrinta muusiga iyo heestu wax la isku khilaafsanaa ay yihiin tan iyo taabiciyiintii?

  1. عبدالعزيز بن الماجشون، عالم المدينة، فقيه الأمة، من جلساء عمر بن عبدالعزيز وعروة بن الزبير، رحمها الله، من التابعين، ثقة، روى له أصحاب الصحاح والسنن ومنه البخاري في صحيحه، ومسلم في صحيحه، وابن ماجه في سننه، وغيرهم، من أتقى الرجال، وأعرفهم في الدين والعلم والرواية والحديث، قال مصعب بن عبدالله الزبيري: “كان يُعلّم الغناء (يعني يدرسه)، ويتخذ القيان (يعني المغنيات) ظاهراً من أمره في ذلك” أي بالعلن، قال: “وكان أول من علم الغناء من أهل المروءة” (تاريخ ابن عساكر (28/54)، وتهذيب الكمال للمزي (32/337) وسير أعلام النبلاء للذهبي (5/447))
  2. ابنه يوسف بن الماجشون، من أعظم الثقات، رجل علم ودين، روى عن إمام السنة الزهري وكان من طلبته، روى له أهل الصحاح والسنن ومنهم البخاري في صحيحه ومسلم في صحيحه والدارمي والترمذي وغيرهم، طال عمره حتى أدركه يحيى بن معين وأحمد بن حنبل، ووثقاه، قال عنه يحيى بن معين: “كنا نأتيه فيحدثنا في بيت، وجوار له في بيت آخر يضزبن بالمعزفة” (التعديل والتجريج للباجي 1240/3)، والمعزفة أي الآلة الموسيقية. قال الخليلي: هو وإخوته يرخصون في السماع”، قال يحيى بن معين: “وهو وإخوته وابن عمه يُعرفون بذلك، وهم في الحديث ثقات، مخرجون في الصحاح” (الإرشاد 2/310).

وابن أخيه عبدالعزيز بن عبدالله ابن أبي سلمة، من أتباع التابعين، كان مفتي المدينة هو والإمام مالك، قال الحافظ المحدث أبو يعلى الخليلي: “يرى التسميع، ويُرخص في العود” (الإرشاد 310/1). والتسميع يعني الغناء والعزف.

وابنه عبدالملك بن عبدالعزيز، كان مفتي المدينة بعد أبيه كذلك، من أصحاب الإمام مالك، قال الحافظ أبو عمر بن عبد البر: “كان فقيهاً فصيحاً، دارت عليه الفتيا في زمانه إلى موته، وعلى أبيه عبدالعزيز قبله، فهو فقيه ابن فقيه”، وقال: “روى عن مالك وعن أبيه، وكان مولعاً بسماع الغناء ارتحالاً وغير ارتحال، قال أحمد بن حنبل: قدم علينا ومعه من يُغنيه” (الانتقاء لابن عبدالبر، ص104). فانظر في هذه العائلة الكريمة من الفقهاء المحدثين الذين يروي لهم الأئمة ومنهم البخاري ومسلم وأحمد بن حنبل ويحيى بن معين ومالك بن أنس، فهل تصدق بعد هذا أن يقول الإمام مالك: إنما يفعله عندنا الفساق؟! فإذا كان رواة الحديث من عائلة الماجشون من الفساق وهم في أصول الأحاديث، فكيف يأخذ الحديث من الفساق؟!!

أبو إسحاق إبراهيم بن سعد بن إبراهيم بن عبدالرحمن بن عوف الزهري، كان من الثقات، ومن الأئمة الأعلام، ومن كبار الحفاظ، من أتباع التابعين، صاحب الإمام الزهري، روه له كبار الأئمة ومنهم البخاري ومسلم في صحيحيهما، وكان مشهوراً بالغناء وسماعه. قال الذهبي: “كان إبراهيم يجبد صناعة الغناء” (سير أعلام النبلاء 274/8).

Diinta fahamkeeda iyo barashadeedu maaha wax cid kooto ugu xidhan, qaar yaqaan oo aamusan baa jira.

QALINKII; Abwaan xasan daahir Ismaciil (Weedhsame)

Exit mobile version