WAJAALE NEWS

Wararkii U Danbeeyay ee Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Sool iyo Somaliland oo Ka Hadashay

Laascaanood (WJN)- Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdirashiid Xuseen Cabdule ayaa ka hadley dagaal beeleed maanta dib uga qarxay koonfurta magaalada Laascaanood isagoo sheegay in dad ka badan 40 qof ay ku dhinteen dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Dhumay halka dad ka badan 80 qof ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawac ah ayaa la geeyay Cisbitaalka guud ee magaalada Laascaanood.

Guddoomiyaha gobolka Sool oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da ayaa codsaday in gurmad caafimaad oo degdeg ah la gaadhsiyo Cisbitaalka maadaama ay adeegyada caafimaadka ay gabaabsi ku yihiin Cisbitaalka.

Garaad Jaamac Garaad oo kamid ah waxgaradka halkaasi ayaa ugu baaqay labada dhinac inay joojiyaan colaadda isla markaasna ay ka shaqeeyaan nabadda dadweynaha reer miyiga ah ee tabaaleysan.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in dagaalka uu bilaabmay saaka, wuxuuna socday ilaa galabta, waxaana lagu soo warramaya in labada dhinac ay adeegsanayeen hubka culus ee taangiyada dagaalka.

Dagaallada kusoo noqnoqday deegaanka Dhumay ayaa la sheegay inay ku salaysan yihiin aano qabiil iyo dhul, waxaana dagaallada ka dhacay halkaasi ku dhintay boqolaal dad ah.

Tobban maalmood ka hor ayay ahayd markii heshiis xabad joojin ah ay gaadheen beelaha colaadda isku haya, waxayna arrintaasi ka dambeysay muddo laba bilood ah ay waxgaradka deegaanka u fadhiyeen xallinta dagaalka.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version