WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland Oo War Kasoo Saartay Dagaalo Maanta Ka Dhacay Gobolka Sool!

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa-(W,N)- Waxaa saaka soo weeray dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool, Kooxda Argagixisada ah, Huwanta ka Dagaalanta Bariga Magaalada Laascaanood iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaliya.

Dadka degaanka Buq-dharkayn oo gacan ka helaya Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxay gaadhsiiyeen  kooxaha Huwanta iyo argagixisada khasaare aad u wayn waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul.

Kooxaha Huwanta ah ayaa caaddaystay in ay weeraro joogto ah ku soo qaadaan dadka shacabka ah ee degaanada Buq-dharkayn iyo Qorilugud.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadayaan tallaabooyin aanay mahadin doonin cadawga soo duulay,waxayna difaacayaan karamada iyo sharafta dadkooda shacabka ah.

Cabdillaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL

Exit mobile version