Berbera(W.N) Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa si kooban uga Warbixiyay Wiishash Casriya oo ka hawlgeli doona Dekeda cusub ee Berbera, oo dhowaan xadhiga laga jari-doono.
Qalabkan ayaa ka kooban 8 Wiish oo ah nooca loo yaqaano ( Rubber Tyred Gantry Cranes (RTGs), waxana hada Dekeda soo gaadhay 4 kamid oo u Maanta kusoo xidhay Dekeda dalka Markabkii siday.
Sidoo kale afarta Wiish ee kale ayaa dhowaan bisha koowaad ee sanaadka cusub 2021, kusoo fool leh dalka, waxana la rakibi doonaa Qalabka lagaga hawlgelayo Dekeda Berbera ee cusub, taasoo noqon doonta mid Casriya.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo u ku baahiyey bartiisa Facebook Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, kaasoo u dhigan sidan.
“Waxa aannu Dekedda Berbera ku soo xidhnay, Markabka lagu soo raray Afar ka mid ah Siddeeda Wiish ee lagu rakibaayo Dekedda Cusub ee Berbera ( Rubber Tyred Gantry Cranes (RTGs). Iyadoo Afarta kalena ina soo gaadhi-doonaan badhtamaha Bisha 1aad ee Sannadka cusub, 2021”.