WAJAALE NEWS

Xukuumadda Somaliland Oo Soomaaliya U Masaafurisay Lammaane Is Qaba Oo Lagu Eedeeyay Inay Diinta Kiristaanka Faafinayeen.

“Ninku Wuxuu u dhashay Soomaaliya, laakiin haweenayda Ayaa reer Somaliland ah”
Hargeysa(W.N)-Xukuumadda Somaliland ayaa dalka ka masaafurisay lammaane is qaba, oo lagu eedeeyay inay dalka ku faafinayeen diinta Kiristaanka.


Lammaanahan oo ay ciidamada Booliska Somaliland xabsiga u taxaabeen 21 September, ka dib markii gurigooda laga helay qoraalo iyo dhukumentiyo kale oo diinta Kiristaanka ah, ayaa dhawr goor la horgeeyay maxkamadda gobalka Hargeysa, waxaana aakhirkii la go’aamiyay in loo masaafuriyo magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya oo uu ninku ka soo jeeday. Haweenayda ayaa la sheegay inay u dhalatay Somaliland.
Wakiilo ka socday dawladaha reer Yurub ayaa la sheegay inay dawladda ka dalbadeen in la sii daayo lammaanahaas, laakiin waxa la sheegay in dawladu diiday, aakhirkiina ay go’aamisay in dalka laga masaafuriyo.

Exit mobile version