WAJAALE NEWS

WAR-DEG-DEGA: QORAA MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN OO HADA XORIYADIISII DIB U HELAY

Hargaysa (Wajaalenews) Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan Oo ah Agaasimaha  telefishanka madax banaan ee Star Tv ayaa xoriyadiisii dib u helay ka dib markii dabayaaqadii todobaadkii tagay ay xabsiga u taxaabeen ciidamada nabad galyada Somaliland oo amar ka haysta xukuumada.

Qoraa maxamed baashe ayaa maxkamada gobolka maroodi jeex damaanad kusii daysay saaka balse waxaa ilaa xiligan oo lasii daayay meel kale ka haystay amaro kazoo baxaya qarkamida xukumada  kuwaasi oo khatar galiyay habsami usocodka hawlaha gorsoorka iyo wada shaqaynta xukuumada.

Ma cada sobobta dhabta ah ee keentay xadhiga qoraaga balse waxa la filayaa in uu saacadaha soosocda la hadlo warbaahinta bedkana soo dhigo cida ku lug lahayd in xoriyada laga qaado.

 

Exit mobile version