WAJAALE NEWS

Xusuusta Dhacdo Milicsanaysa Afduub u Horreeyey Ee Ilaallada Wasiirka Daakhiligu Ku Qafaallato Suxufiyiinta.

Milicsiga Gabood-fal Aan Saansaankiisu Biyo Is Marin Oo 7-dii Sep. 2014-kii Ay  Askarta Wasiir Warancadde Ku Qafaasheen Weriye Cabdishakuur Heer-sare

Hargeysa (W,N)- 7-dii bishii Septemer 2014 ayay ahayd markii ay  ilaalada Wasiir Waran-cadde afduubeen Weriye Cabdishakuur Muxumed Muuse (Heer-sare) oo ka mid ah suxufiyiinta dalka oo ay ku haysteen maqaal lagu qoray shabakadda Oodweyne oo uu mar la shaqeyn jiray isla markaana aanu kama war haynin maqaalkan.

Wariye Cabdishakuur Xaaji Muxumed Heersare oo xilligaasi faahfaahin ka bixiyey sida falkaasi qafaalashada ahi u dhacay iyo sababta ay kooxdani ku sababeeyeen falkoodan foosha xun waxa uu yidhi: “Shalay [maalintii falku dhacay] abbaaro 11-kii duhurnimo aniga oo ku sugan xafiiskayga ayaa waxa ila soo hadlay nin. Waxa uu igu yidhi waan ku doonaynaa oo dan baan kuu leenahay. Waxaan ku idhi maxaad iga doonaysaan? Waxa uu yidhi marka aanu ku aragno anaggaa kuu sheegi. Xafiiska ayaan ka soo baxay oo waxaan u tilmaamay goobta xafiiska Free Press ku yaallo oo ah goob dhinaca koonfureed ka soo xigta isgoyska jidka waddo Aakhiro ee xaafadda Ibraahim Koodbuur. Markii aan u soo baxay waxaan arkay gaadhi ay ku taallo taarikada GT ee dawladda waxaanan gartay in gaadhigaasi laga lahaa wasaaradda Arrimaha Gudaha”. Wariye Cabdishakuur Xaaji Muxumed Heersare oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Gaadhigii markii aan gaadhay waxa aan ugu tagay Lix nin. Waxa ay igu khasbeen in aan khasab gaadhiga soo fuulo. Waan ka diiday muddo kadib muran badan oo na dhex maray waxa uu mid ka mid ahi soo saaray warqad uu ku qoran yahay maqaal lagu aflagaadaynayo Wasiir Cali Warancadde oo lagu baahiyey Website-ka oodweynenews. Waxa aan u sheegay in aanan website-kaasi wax shaqo ah ku lahayn anna aanan maqaalkaasi qorin. Waxa aan u sheegay ninka masuulka ka ah website-kaasi. Cago juglayn iyo handdaad kadib Waxa ay igu khasbeen in aan la raadiyo ninka webka leh. Sidaasaanay khasab gaadhigii igu saareen. Waxa ay u soo dhaqaajiyeen dhinaca Guriga Wasiir Cali Warancadde ee xaafadda New Hargeysa. Gaadhigii waan ka degnay waxaanay ku xereeyeen guriga Wasiir Cali Warancadde waxaanay la soo baxeen gaadhi kale oo leh taarikada dadweynaha. Sidaasaanay igu qaateen”.

Intaa kadib kooxdani waxa ay Wariyaha u sheegeen in ay yihiin rag ay wasiir Cali Warancadde ehel yihiin sidaa darteed ay ku ciqaabayaan maqaalkan wasiirka laga qoray, iyaga oo intaa kadib ku khasbay in uu u geeyo ninka webka maqaalkan lagu qoray iska leh. Intaa kadib wariye Cabdishakuur heersare waxa uu la xidhiidhay masuulkii mareegtaasi oo sheegay in uu ku sugnaa Arabsiyo. Kooxdii waxa ay wariyaha ku khasbeen in ay Arabsiyo ugu tagaan ninka webka leh haddii kale ay isaga ka jarayaan maqaalka ay ka cabanayeen iyaga oo intaasi handadad iyo caga juglayn xooggan ku hayay. Mudadii ay kooxdani dhexda ku sii jireen ee ay afduubka ku haysteen Cabdishakuur Heersare waxa mid ka mid ahi la xidhiidhayay qof kale oo u muuqday qofka isagu isku xidhayay hawlgalkan (Mission) isaga oo lahaa “Ninkii waan haynaa, soo dir shidaalkii, qadadii iyo qaadkii”.

Intaa kadib kooxdii markii ay wariyaha la tageen Arabsiyo waxa loo sheegay in ninkii ay u socdeen tagay deegaanka Garabis isaga oo raacay qoys aroos ahaa oo halkaasi tagay, sidaasaanay kaga daba tageen. Kooxda afduubka gaysatay iyo wariye Cabdishakuur waxa ay la kulmeen masuulkii website-ka oodweyne iyaga oo uga warramay sida arrinkani u dhacay waxaanu masuulkii kooxdan ku qanciyey in qof akhriste ahi maqaalkaasi soo qoray si khalad ahna shabakadda loogu faafiyey uuna ka cudurdaaranayo, balse kooxdii aanay ku qancin sida arrinkaasi uga dhacay waxaanay dib ula soo noqdeen wariyaha ay afduubteen iyaga oo dabinta qaniinsan oo ka xun sida uu uga dhicisoobay fal ay doonayeen in ay wariye Heersare gacanta ku saaraan, taasina ay ka muuqatay dhexdooda oo isku canaananayay sida ay arrinkan u waajaheen.

Ugu dambayn kooxdii, waxa ay wariye Cabdishakuur Heersare keeneen oo ku dejiyeen abbaaro Lixdii fiidnimo badhtamaa suuqa Hargeysa iyaga oo wali hanjabaad iyo caga juglayn ku haya uguna hanjabaya in uu soo caddeeyo cidda waxan ka qortay wasiirka, marnabana aanay u qudhqudhsanayn sida aanu isagu wax shuqul ah ugu lahayn qoraalkaasi. Waxaanay markii dambe kooxdani isku dayaysay in ay dambabasaan falkan foosha xun ee ay wariyaha kula kaceen.

“Kooxdani waxa ay ahaayeen rag gaangis ah oo ay ehel yihiin wasiir Cali Waranacdde, waxa ay igu khasbayeen in aan khasab ku sheegto qoraal aanan waligay arag cid qortayna aanan garanayn. Waxa nasiib darro ah in gaadiidkii Wasiirka dalka ammaanka u qaabilsani lahaa aan in ka badan 7 saacadood ugu afduubnaa koox budhcad ah, waa arrin layaab igu noqotay oo aanan marnaba filayn” sidaa waxa yidhi Wariye Cabdishakuur Xaaji Muxumed Heersare oo ka warramayay falkii shalay lagu qafaashay.

Cawaaqibka Falkaas hore iyo midka cusub ee dorraad

Illaa imika Wasiirka Arrimaha Guduhu kama uu hadlin eedahan laf-jabka ku ah nabad-gelyadda dalka iyo sumcadiisa labadaba. Sidoo kale waxa  loo baahan yahay in la suuliyo dhaqankan foosha xun ee Wasiir waran-cadde jideeyay. Cawaaqibka ka dhasha weerarkan qorsheysan waxa uu tumaati iyo dhabar jab ku noqonayaa xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo  oo ay tahay inay tallaabo sharci ah laga qaado Wasiirkan sida ka baxsan sharciga ugu tagri falaya awoodihii qaran ee uu  ummadda ugu adeegi lahaa.

Sidoo kale, saxaafadda Somaliland oo lagu tilmaamo kuwa ugu xoriyadda wanaagsan marka la eego dunida saddexaad, ayay arrintani cabsi weyn ku abuuraysaa. waxa kale oo ay tallaabadani noqon kartaa dhaqan caam ah oo xukuumad, mucaarid iyo Ganacsataduba ay ku hagardaameeyaan saxaafadda,

 

Exit mobile version