WAJAALE NEWS

Shiinaha oo ka soo kabanaya saameynta dhaqaale ee coronavirus

Hargeisa(WJN):-Dhaqaalaha Shiinaha ayaa ka soo kabanaya xanuunka safmarka ah ee Covid-19, sida laga soo xigtay xogtii ugu dambeysay ee ay dowladdu soo saartay.

Dhaqaalaha dalkaas oo ah kan labaad ee ugu dhaqaalaha roon dunida ayaa kor u kacay 4.9% intii u dhaxeysay bilihii July iyo September, marka loo barbardhigo isla xilligan oo kale sanadkii hore.

Si kastaba, tiradan ayaa ka hooseysa 5.2% oo ay filayeen dadka dhaqaale-yahannada ah.

Saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan dhaqaalaha Shiinaha ayaa hoos u dhacay 6.8% kaddib markii ay xirmeen warshadaha wax soo saar ee ugu weyn dalkaas.

Waana markii ugu horreysay ee uu sidaas u wiiqmo dhaqaalaha Shiinaha tan iyo intii uu bilaabay diiwaangelinta sanadkii 1992.

Dowladda Shiinaha ayaa sanadkan ku dhawaaqday tallaabooyin wax looga qabanayo dhaqaalaha dalkaas ee uu saameeyay coronavirus.

Wajaalenews.net
Wariye Akadir
Exit mobile version