WAJAALE NEWS

Maxamed Binu Salmaan Oo Booqasho Qarsoodi Ah Ku Tegey Israa’iil

Riyad(W,N)-Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa dhowr jeer booqasho qarsoodi ah ku tegey Israa’iil, sida ay tabiyeen warbaahinta bariga Dhexe.

Dadka indh-indheeya xaaladda gobolkaas ayaa aaminsan in xidhiidh qarsoodi ah uu hore uga dhaxeeyay Sacuudiga iyo Israa’iil, laakiin ilaa hadda ma jiraan safaro la xaqiijiyay ilaa hadda.

Warka ku saabsan Booqashooyinka qarsoodiga ah ee Maxamed Bin Salmaan waxaa lagu shaaciyay Al Mayadeen TV, oo la hadlay saraakiil ka tirsan laamaha amniga Israa’iil.

Hase yeeshee lama magacaabin saraakiisha reer Israa’iil ee telefishinka laga wareystay.

“Warar la xidhiidha arrimaha dibadda ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu ku istareexay qorraxda magaalada Tel Avid, dhowr jeer,” ayuu telefishinka ku yidhi sarkaal hore uga tirsanaa hay’adda amniga Israa’iil ee lagu magacaabo Shin Bet oo ay Somalilandtoday warkan ka soo xigatay.

Sacuudiga ayaa lagu yaqaannaa in aanu Israa’iil u dhalleecaynin sida ay u dhaliilaan Iiraan iyo Turkiga. Maxamed Bin Salmaan ayaa loo arkaa inuu daaha gadaashiisa ka maamulo Boqortooyada Sacuudiga.

Waxaa loo arkaa Maxamed Bin Salmaan inuu yahay ninka wakhtigan ugu awoodda badan Sacuudiga. Dowladaha Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa dhowaan ku dhowaaqay inay la sameysteen xiriir diblumaasi dowlada Israa’iil.

Exit mobile version