Hargaysa(W,N)-Waxaa aad isugu soo dhawaaday dalalka Sucuudiga iyo Israa’iil , kuwaas oo samaystay isbahaysi ka dhan ah Iran.
Waa xidhiidh xasaasi ah, islamarkaasna sii koraya, iyada oo inta muuqata ay ka badantahay inta qarsoon.
Todobaadkii hore taliyaha ciidammada qalabka sida ee Israa’iil Gadi Eidenkot ayaa waraysi uu siiyay wargeys Sucuudiga laga leeyahay oo Britain kasoo baxa oo lagu magacaabo Alif ku sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Sucuudiga isweeydaarsadaan xogaha sirdoonka si looga hortago Iran.
“Waxaan leenahay dano aan wadaagno marka laga hadlayo arrimaha Iran, heshiis buuxa ayaana inoo dhaxeeya Sucuudiga” ayuu yidhi Gadi.
Maalmo kadib wasiirkii hore ee caddaalada Sucuudiga Dr Maxamed Bin Cabdikariim Ciisa oo aad ugu dhow dhaxalsugaha Sucuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaa, oo hadlayay kadib shir uu kaga qabtay magaalada Paris ayuu wargeyska Maarif u sheegay “ma jiro ficil argagixiso ah oo marmarsiimo u noqon kara in diinta Islaamka lagu qasbo meel adduunka ka mid ah, xitaa Israa’iil”.
Tani waa cambaareyn dhif iyo naadir ah oo loo jeedinayo weerarada Israa’iil ka dhan ah oo ka timid dunida Carabta.
Maalin kale sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray ciidammada Israa’iil oo ka hadlayay shir London ka dhacay ayaa ka hadlay labo shir oo uu la yeeshay labo amiir oo ka socota boqortooyada Sucuudiga, kuwaas oo ku yidhi “ma tihiin cadawgeena”.
Hadaladaas oo kale ma ahan kuwa ku yimaada si kama’ ah, waa kuwa si taxadar leh looga fiirsaday, ujeedkuna yahay in lagu waabiyo Iran, iyo sidoo kale in shacabka Sucuudiga loogu diyaariyo haddii xidhiidhka labada dal ka dhaxeeya uu rasmi noqdo.
Israa’iil ayaa sida caadi ah aad uga hadasha xidhiidhka labada dal in ka badan inta Sucuudiga uu ka hadlo. Balse waxyar ayaa laga ogyahay waxa ay tahay xaqiiqada rasmiga ah , waxaase cad in uu yahay xidhiidh rasmi ah, islamarkaasna sii kordhaya.
Halista Iran
Markii duulaankii 2003-dii lagu afgambiyay Saadaam Xuseen, waxaa meesha ka baxay difaacii Sucuudiga ee Iran.
Waxaa Ciraaq ka dhashay hoggaan shiicada ay majaraha u heyso, xidhiidh wanaagsana la leh dalka Iran. Mana ahan arrin shil ah in Shiicada Ciraaq ay ka dagaalanto gudaha Suuriya iyaga oo taageeraya Bashaar Al Asad.
Taageerada Iran oo lagu daray tan Ruushka ayaa Bashaar ka caawisay in uu iska caabbiyo kooxihii qarka u saarnaa in ay xukunka ka tuuraan.
Waxa ay taasi sababtay in uu dhasho dhul ay Iran saamaynta badan ku leedahay oo xidhiidhsan min Tehran illaa badda Mediterranean-ka taas oo ay suniyiin badan halis u arkaan.
Sidaas darteed cadawtinimada ka dhaxaysa Iran iyo Sucuudiga waa mid diimeed, iyo mid istaraatiijiyadeed.
Sida hadda xaalka u muuqdo Iran iyo kooxaha ay isbahaysiga leeyihiin sida ururka Xisbullaah ee Lubnaan, ayaa u muuqda in ay ku guuleysanayaan hardanka jira. Sidaas darteed xoojinta xidhiidhka Israa’iil iyo Sucuudiga waa mid micno weyn samaynaya.
Labadaba waxa ay u arkaan in Iran aanan marnaba loo ogolaanin in ay noqoto dal heysta hubka nuyuukleerka, waxa kale oo ay u arkaan in Xisbullaah ay halis ku tahay degenaanshaha Bariga Dhexe.
Doorka Trump
Waxaa kale oo jira waxyaabo kale oo socda, dhibka kaliya ma ahan sare u kaca Iran, ee waxaa jira arrimo kale oo ay tahay in xisaabta lagu darsado, taas oo ah saamaynta siyaasadda arrimaha dibedda ee Trump iyo kacdoonkii carabta waxyaabihii ka dhashay.
Marka koowaad waxa ay kula noqonaysaa in Sucuudiga iyo Israa’iil aysan wax cabasho ka qabi karin maamulka Trump, waxaana jirtay in Trump uu labada dalba booqday, una balanqaaday xidhiidh wanaagsan.
Balse xaqiiqda ayaa ah in Maraykanka Suuriya looga hub batay, lagana siyaasad badiyay, taasna waxaa sameeyay Ruushka.
Illaa hadda ma jirto wax siyaasad cad ah oo uu Maraykanka la yimid si uu uga hortago halista Iran.
Layaabna ma ahan in Israa’iil iyo Sucuudiga ay la qabsanayaan xaqiiqda ah in saameyntii Maraykanka ee Bariga Dhexe ay sii yaraanayso, sidaas darteed waxa ay dib ugu laabanayaan awooddii hore ee soo laabanaysa oo ah Ruushka.
Cabsida Israa’iil
Waxaa jira wax kale oo kuwaas hore ka daran. Amiir Maxamed Bin Salmaan waxa uu ku hawl jiraa sidii uu isbadalo uga dhalin lahaa Sucuudiga, iyo sidii uu Iran isaga difaaci lahaa.
Isbadalka uu Sucuudiga ku samaynayo waa arrin ka dhalatay kacdoonkii Carabta, iyo halista kasoo fool leh ururada Islaamka ah.
Amiirka waxa ay u egtahay in ay ka go’antahay in uu isbadal horseedo si loo gaadho mustaqbal wanaagsan.
Balse Israa’iil waxa ay rumeysantahay in ficilada Amiir Maxamed Binu Salmaan ay ka dhalan karto halis aan hadda jirin, waxayse qirsanyihiin in isbadalka uu muhiim yahay.
Israa’iil waxa ay dusha ka daawanaysay wixii ka dhacay Suuriya oo ahaa in ay caadi iska noqotay isticmaalka hubka kiimikada, taas oo sidii la rabay aysan uga jawaabin Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inteeda kale.
Waxa ay Israa’iil u aragtaa in Suuriya ay tahay sheeybaadhka lagu tijaabiyo hubka Kiimikada sida uu dadka u xasuuqo, taas oo hadhoow loo isticmaali doono dalal kale oo gobolkan ka tirsan.
Illaa heerka xidhiidhka Sucuudiga iyo Israa’iil uu sii xoogaysan karo waxa ay ku xidhantahay habda sida siyaasadda Amiir Maxamed Binu Salmaan u guuleysato.
Balse waa in horumar la taaban karo laga gaadho arrimaha Falastiiniyiinta, taas oo muddo dheer shuruud u ahayd Sucuudiga.
Xikmadda waxa ay tahay in illaa inta xal rasmi ah laga gaadhayo arrimaha Falastiin, in xidhiidhka Sucuudiga iyo Israa’iil uu ahaado mid qarsoon.
XIGASHO, BBC