WAJAALE NEWS

Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Muj Axmed Mire Oo Ka Mid Ahaa Udub-Dhexaadkii Ururkii SNM.

HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qaabilay Mujaahid Axmed Mire Maxamed. Kulanka waxa goobjoog ahaa wasiirada daakhiliga Maxamed Kaahin Axmed iyo Ciyaaraha Boos Mire Maxamed. Dadka falanqeeya siyaasada Somaliland ayaa kulankan u arka mid muhiim ah oo wax ku soo kordhin kara siyaasadda Somaliland.

Kulanka oo Saacado qaatay ayaanay jirin wax faahfaahin laga bixiyay waxa ay ka wada hadleen madaxwayne biixi iyo Muj Axmed mire oo mudo ku kala fogaa aragtida siyaasada Somaliland iyo utunihii ay ka tageen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Somaliland

Exit mobile version