WAJAALE NEWS

“Gudoomiyayaasha Xisbiyadu Runtii Waxaynu Odhan Karaynaa Waa Mulkiilayaasha Iska Leh Xisbiyada, Oo Aan Xamili Karin…Cali Guray.

“Anigu Waxan Qabaa In La Gaadhay Xiligii Laga Tashan lahaa Wax ka Bedelka Xisbiyada Siyaasadda Si Loo Hormariyo Oo la Gaadhsiiyo Inay Noqdaan xisbiyo Siyaasadeed Oo Aan Ahayn Xisbiyo Reero Iyo Xisbiyo Shakhsi”

XISBIYADA SIYAASADDA: Jiilkii 1aad Iiaa jiilkii 1aad

Wuxu yidhi; Ma Kortadii Ma La Korinayaa! Allay lehe xisbiyada Siyaasadda ee Somaliland ayaa ka dhigan oo 20 sanadood in ku dhaw aan ka gudbin Jiilki Koobaad (first generation) ee ay ku Bilaabmeen. Markii sadexdii xisbi ee ugu horeeyay ay ku soo Baxeen doorashadii Golayaasha Degamada 2003dii telifoonada Gacanta ama software-kooduba wuxu marayay jiilkii 2aad (G2) maanta waxa la marayaa jiilkii shanaad (G5) inta u dhaxaysa G2 iyo G5-na waynu ognahay.

Ugu yaraan 15kii sanadood ee ugu dambeeyay xisbiyada siyaasaddu dhinaca horumarinta xisbinimada wax ka sii dhaca mooyee ma jiro xisbi ay wax u kordheen welina waxay joogaan halkii ay ka bilaabmeen oo Aanay raaf ka gudbin qaarkoodna waxaba la odhan karaa marxaladdii bilawga ayaabay ka xisbisanaayeen maanta oo hoos ayay u noqdeen. Xisbigii ugu horeeyay xisbiyada siyaasadda ee UDUB halkuu maray isaga xogogaal baynu u nahay runtiina dhinaca xisbinimada wuxu ahaa xisbiga ugu xisbisanaa.Waa run oo xisbiyada qaarkood tacab badan ayaa la geliyay hadana dadkii wakhtigooda oo dhan u huray iyo kuwii taageersanaa hadii uu qof waliba iswaydiiyo maxaad soo kordhisay ama adiguba korodhsatay jawaabta keliya uu hayaa waa hadii uu cashar ka bartay oo uu fahmay in loo baahan yahay in xisbiyada siyaasadda sida ay hadda yihiin wax laga bedelo hadii kale heerkii bilawga ee ay ku bilaabmeen wax ka sii dhaca mooyee aan laga fili karin inay wax horumar ah gaadhaan.

Sidaa daraadeed Anigu Waxan Qabaa In La Gaadhay Xiligii Laga Tashan lahaa Wax ka Bedelka Xisbiyada Siyaasadda Si Loo Hormariyo Oo la Gaadhsiiyo Inay Noqdaan xisbiyo siyaasadeed oo aan ahayn xisbiyo reer iyo xisbiyo shakhsi sida ay haddaba u dhurteen xisbiyadii qaranku. Hadii kale dadka xisbiyahanka ahi kama duwana ninkii waalaa ee la yidhi buuxi foosto gun la’. Qofba mar uu miyirsadoba mar uun buu miyirsan waanu iskaga hadhi xisbinimada ilayn weligii foosto gun la’ uun buuxin maayo eh.

Hadaba horumarinta xisbiyadu waxay ku xidhan tahay mar kasta gudoomiyayaasha xisbiyada oo iyagu ka soo horjeeda in haba yaraato eh wax ka bedel lagu sameeyo xisbiyada. Gudoomiyayaasha xisbiyadu runtii waxaynu odhan karaynaa waa mulkiilayaasha iska leh xisbiyada oo aan xamili karin in xisbiga uu ka mid ahaado qof aan 100% isaga taageersanayn ama xubinta aragtideedu aanay 100% tiesa waafaqsanayn aan xamili karin ee dibadda uga tuura xisbigiisa

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF(CALI GURAY)

Exit mobile version